✋Hordhac
Neefsiga unugyada (cellular respiration)
Soo dhawoow casharkan. Maanta waxaynu ka hadlaynaa neefsashada unugyada (cellular respiration). Waa inaad horey u taqaanid in neefsashadu tahay habka jidhku u soo saaro tamarta, laakiin maanta waxaynu eegaynaa sida ay uga dhex shaqeyso unugyada.
Natiijada casharka
Waxaan sharxi karaa waxa neefsiga unugyadu yahay iyo sababta uu ugu dhaco dhammaan noolaha waqti kasta.