✋Hordhac
Qaaciidooyinka kiimikada
Casharkan wuxuu ku saabsan yahay qaacidada kiimikada (chemical formula), oo qayb ka ah cutubka 'Atoms, elements and compounds'. Waa inaad hore u taqaanid in curiyeyaasha (elements) iyo isku-dhisyada (compounds) ay ka kooban yihiin atamyo, iyo sida calaamadaha kiimikada (chemical symbols) loo isticmaalo.
Natiijada casharka
Waxaan isticmaali karaa astaamaha kiimikada si aan u qoro qaaciidooyinka kiimikada ee curiyeyaasha iyo isku-dhisyada.