✋Hordhac
Faafitaanka iyada oo loo marayo xuubka unugga
Casharkaan waxaad ku baran doontaa sida walxuhu ugu faafi karaan (diffuse) xuubka unugga iyo sababta qaarkood uga faafi karin. Waa inaad horay u garanaysid in unuggu leeyahay xuub (cell membrane) iyo in walxuhu u dhaqaaqaan meelaha ay ku badan yihiin una gudbaan meelaha ay ku yar yihiin.
Natiijada casharka
Waxaan sharxi karaa sababta qaybaha qaarkood ay u dhaafi karaan xuubka unugga, qaarna aysan u dhaafi karin.