✋Hordhac
Qiyaasidda mugga sambabada
Soo dhawoow casharkayaga maanta. Casharku wuxuu ka mid yahay cutubka neefsashada (breathing and respiration), waxaana maanta ku qiyaasi doontaa mugga sanbabadaada (lung volume) iyadoo la adeegsanayo qalab fudud. Waa cashar wax ku ool ah, marka diyaar u noqo inaad tijaabo sameyso. Kahor intaadan bilaabin, waa inaad hore u garanaysaa fikradaha aasaasiga ah ee neefsiga iyo sida loo cabbiro mugga.
Natiijada casharka
Waxaan sharxi karaa sida loo isticmaalo qalab fudud si loo qiyaaso mugga sambabada.