✋Hordhac
Curiyeyaasha birta ah
Ku soo dhawoow darsiga maanta ee curiyeyaasha birta ah (metallic elements). Waa qayb ka mid ah cutubka Atamka, curiyeyaasha iyo isku-dhisyada. Kahor intaadan bilaabin, waa inaad hore u garanaysaa sida atamka u yihiin dhismaha aasaasiga ah ee walxaha oo aad kala saari karto curiye (element) iyo isku-dhis (compound).
Natiijada casharka
Waxaan sharxi karaa sifooyinka curiyeyaasha birta ah (metallic elements) oo aan barbardhigi karaa kuwa aan birta ahayn (non-metal elements).