✋Hordhac
Iftiinka qallooca
Darasgan waxaa loo yaqaan iftiin-jajabinta (refracting light), taas oo ka duwan iftiin-celinta (reflecting light) sidaad arki doontaan. Darasgan wuxuu qayb ka yahay cutubka samaynta sawirada. Waa inaad hore u taqaan sida iftiinka u socdo toos uguna soo baxo ilo iftiin, sidoo kale waa inaad fahantahay iftiin-celinta (reflection) iyo sida ay muraayadaha u sawiraan walxaha.
Natiijada casharka
Waxaan sharxi karaa oo sawiri karaa sida iftiin uu u qallooco marka uu ka gudbo hal dhexdhexaad (medium) una gudbo mid kale, waxaana sharxi karaa sida qallooca uu u keeni karo sawirro aan dhab ahayn (virtual images).