✋Hordhac
Qaybta iftiinka ee la arki karo
Darsigani waxa loogu yeedhaa "jeegaan la arki karo (visible spectrum)" waana qayb ka mid ah cutubka "samaynta sawirada (Making Images)". Kahor intaadan daawashadan bilaabin, waa inaad hore u ogaatid in iftiinka cad (white light) uu yahay iftiin caadi ah oo aad ku aragtid nolosha maalinlaha ah.
Natiijada casharka
Waxaan sharxi karaa waxa iftiinka cad yahay, iyo sababta loo soo saari karo qaybta iftiinka ee la arki karo (visible spectrum) oo ka timaada iftiinka cad.